Partner im RedaktionsNetzwerk Deutschland
PodcastsRegierungMaamul Wanaag

Maamul Wanaag

Somali Public Agenda
Maamul Wanaag
Neueste Episode

Verfügbare Folgen

5 von 62
  • Jamhuuriyadda Saddexaad 25 Sano Kadib Shirkii Nabadda ee Carta
    25 sano ayaa laga joogaa markii bishii August 2000 lagu dhisay Jamhuuriyadda Saddexaad ee magaalada Carta ee dalka Jabuuti. Shir lagu maamuusayo sanadguuradaas ayaa dhawaan lagu qabtay magaalada Carta. Geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya rubuc qarni kadib weli waa qabyo. Nidaamkii federaalka weli lama dhameystirin. Dib-u-eegista dastuurka weli waa socotaa. Dowladda federaalka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyadana khilaaf siyaasadeed ayaa ka dhex taagan. Qeybtan 62-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Dr. Abdurahman Abdullahi Baadiyow, oo ah Lataliyaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee Arrimaha Dib-u-heshiisiinta, ayaa ku gorfeynaya jamhuuriyadda 3-aad 25 sano kadib.Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at [email protected] Thanks for listening!
    --------  
    1:11:08
  • Maareynta Doorashooyinka Soomaaliya iyo Caqabadaha Ku Xeeran
    Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay ku jirtaa sanadkii afaraad. Geeddi-socodka doorashooyinka & dib-u-eegista dastuurka weli waa qabyo. Hannaanka doorashada waxa aanan qeyb ka ahayn siyaasiyiin ay kamid yihiin madaxweynayaal & raysal wasaarayaal hore. Raysal Wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid waxa uu kamid ahaa afar siyaasi oo ka tirsanaa Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo heshiis siyaasadeed la galay hoggaanka dowladda federaalka 25-kii August ee sanadkan. Hadda waa hoggaamiyaha urur siyaasadeed 6-dii September la diiwaangeliyay oo qorsheynaya in uu ka qeyb galo doorashooyinka dowladaha hoose ee la qorsheynayo in ay dhawaan qabsoomaan.Qeybtan 61-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo Raysal Wasaare soo noqday labo jeer, sidoo kalena sanadkii 2017 ahaa musharrax Madaxweyne, waxa ay isla gorfeynayaan maareynta doorashooyinka Soomaaliya iyo caqabadaha ku xeeran.Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at [email protected] Thanks for listening!
    --------  
    47:58
  • Aqoonsi-u-raadinta Somaliland & Dadaallada Dowlad-dhiska Soomaaliya
    Dalka Mareykanka waxaa ka socda dadaallo lagu raadinayo in uu Mareykanka u aqoonsado Somaliland dal ka madax-bannaan Soomaaliya. Dhanka kale dowladda federaalka ayaa wadda dadaallo loogasoo horjeedo in ay Somaliland ka go’do Soomaaliya.Qeybtan 60-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Feysal Rooble, oo ah aqoonyahan, falanqeeye & xubin katirsan Golaha Sare ee PDRC, waxa ay isla gorfeynayaan mustaqbalka Somaliland iyo guud ahaan geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at [email protected] Thanks for listening!
    --------  
    45:35
  • Nidaamka Metelaadda Beelaha ee 4.5 & Xilalka Sarsare ee Soomaaliya
    25 sano ayaa laga joogaa markii bishii August 2000 lagu dhisay Jamhuuriyadda Saddexaad magaalada Carta ee dalka Jabuuti.  4.5 in awoodaha loo qeybsado waxa ay kamid ahayd tiirarkii lagu dhisay dowladdaas. Inkastoo loo arkayay in muddo kooban kadib laga gudbi doono, 4.5 weli waa halbeegga metelaadda beelaha ee dowladda. Qeybtan 59-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Dr. Abdi Kusow, oo ah cilmibaare iyo bare jaamacadeed oo muddo wax ka qorayay arrimaha Soomaaliya & arimaha bulshada, sidoo Kalena sanadkii 2022 u tartamay madaxweynaha Soomaaliya, waxa ay ku gorfeynayaan metelaadda beelaha ee xilalka sare ee dalka.Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at [email protected] Thanks for listening!
    --------  
    1:14:03
  • Qorshaha Tirakoobka Dalka & Isticmaalka Xogaha Rasmiga ah
    Hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliya (Somalia National Bureau of Statistics) waxa ay sanadihii lasoo dhaafay ku howlaneyd dadaallo la xiriira uruurinta xogaha rasmiga ah ee dalka oo ay kamid tahay tirakoobka. Tayada & tirada xogaha rasmiha ah ee la hayo, iyo sida looga faa’ideysto ayaanan dad badan u caddeyn. Qeybtan 58-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Dr. Abdisalan Mohamed, oo ah Agaasinmaha Guud ee Hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliya, waxa ay ku gorfeynayaan arrimaha la xiriira xogaha rasmiga ah & tirakoobka ee uu ka shaqeynayo Hay’adda Istaatistikada Qaranka. Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at [email protected] Thanks for listening!
    --------  
    48:53

Weitere Regierung Podcasts

Über Maamul Wanaag

Somalia faces multiple governance challenges. The country is recovering from years of conflict, lawlessness and weak administration. Understanding and improving governance in Somalia is one of the core missions of Somali Public Agenda. Join Mahad Wasuge, SPA Executive Director, and his guests who will delve deep into governance issues in Somalia in the Maamul Wanaag podcast.
Podcast-Website

Höre Maamul Wanaag, Funkdisziplin – der Bundespolizei-Podcast und viele andere Podcasts aus aller Welt mit der radio.de-App

Hol dir die kostenlose radio.de App

  • Sender und Podcasts favorisieren
  • Streamen via Wifi oder Bluetooth
  • Unterstützt Carplay & Android Auto
  • viele weitere App Funktionen

Maamul Wanaag: Zugehörige Podcasts

Rechtliches
Social
v8.0.7 | © 2007-2025 radio.de GmbH
Generated: 12/4/2025 - 11:40:07 AM